bbc.co.uk navigation

Cadaadis la saarayo Syria

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 29 Febraayo, 2012, 11:47 GMT 14:47 SGA
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Shiinaha

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Shiinaha Yang Jiechi

Shiinaha ayaa ku soo biiray cadaadiska caalamiga ah ee la saarayo Syriya inay u ogolaato in gargaar biniaadannimo la gaarsiiyodadka dagaalka ku dhaawacmay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Shiinaha Yang Jiechi, ayaa taageeray cadaadiskan kadib markii wasiirada arrimaha dibada ee carabta iyo madaxa Jaamacada Carabta Nabil al Carabi oo hogaaminayay cadaadiska la saarayo Madaxweyne Assad .

Shinaha iyo Ruushka ayaa lagu dhaleeceeyay inay hor istaageen go'aan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay ugu baaqaysay in uu Madaxweyne Assad xukunka ka dego.

Waxaa jira qorshooyin goaan cusub ee Qaramada Midoobay oo ansixinaayo gargaarka biniaadannimo ee la siinayo dadka reer Syria.

BBC © 2012 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.