bbc.co.uk navigation

Shaqo joojin baahsan oo ka socota India

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 28 Febraayo, 2012, 14:29 GMT 17:29 SGA
shaqa joojinta India

shaqa joojinta India

Shaqaalaha dalka India ayaa shaqo joojin baahsan ku dhaqaaqey iyagoo dalbanaya xaalado wanaagsan oo dhinaca nolosha, kana soo horjeeda sicir bararka iyo talaabada lagu iibinayo shirkadaha ay dowladda leedahay.

Shaqo joojintaan ayaa waxaa ku baaqey kow iyo toban urur shaqaale oo ka mid ah ururada shaqaale ee ugu weyn dalka . Shaqa joojintan ayaa waxay saameysey bankiyada, xafisyada boostada, gaadiidka iyo dekedaha.

Meelaha sida weyn ay u saameysey shaqo joojintan waxaa ka mid ah gobolada West Bengal, Kerala iyo Tripura halkaas xisbiga hantiwadaagga uu ku leeyahay taageero balaaran.

Magaalada caasimadda ah ee Delhi, bankiyada ayaa xiran, shirkadaha adeegyada tagaasidana shaqada ayay joojiyeen.

BBC © 2012 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.