Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku dhintay 3 ruux oo ku dhaawacmay qarax shalay ka dhacay magaalada.
Tirada dhimashada qaraxaas waxay hadda mareysaa 5 ruux.
Qaraxan waxaa lala beegsaday goob ay ka socdeen cayaaro oo ka tirsan degmada Wardhiigleey.
Dadka dhintay waxay u badan yihiin carruur iyo dhallinyaro.
Ma jirto cid sheegatay in ay ka dambeysay weerarka.