bbc.co.uk navigation

Dad u dhashey W.Kuuriya oo u baxsadey Shiinaha

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 28 Febraayo, 2012, 12:25 GMT 15:25 SGA
Qaxootiga Waqooyiga Kuuriya

Qaxootiga Waqooyiga Kuuriya

Baarlamanka Koonfuurta Korea ayaa ugu baaqey Shiinaha inuu joojiyo dib u celinta dadka ka soo cararey Waqooyiga Kuuriya ee lagu qabtey gudaha dalka Shiinaha.

Talaabadan ayaa timid iyadoo ay sii kordheyso walaaca Koonfuur Kuuriya ka qabto sida ay ku dambeyn doonaan ilaa 30 ruux oo u dhashey Waqooyiga Kuuriya, kuwaas oo wararku sheegayaan in dowladda Shiinaha dooneyso inay masaafuriso kuna celiso dalkooda.

Koonfuurta Kuuriya ayaa dalbaneysa in Shiinaha uu xishmeeyo heshiisyada caalamiga ee difaaca qaxootiga, waxaana ay ugu baaqdey Qaramada Midoobey inay cadaadis saarto xukuumadda Beijing.

Wararka ka imaanaya gudaha Waqooyiga Kuuriya ayaa sheegaya in hoggaamiyaha cusub ee dalka, Kim Jong-un, uu soo saarey wareegto uu dil ugu hanjabayo qoysaska ay ka soo jeedaan dadka isku daya inay baxsadaan.

BBC © 2012 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.