
Paul Conroy
Sawirqaadaha u dhashey Britain, Paul Conroy oo ku dhaawacmey kadibna ku go'doomey magaalada Homs ee dalka Syria, ayaa si dhuumasho ah looga talaabiyey xadka lana geeyey dalka Lubnaan.
Ilo diblomaasiyadeed ayaa BBC-da u sheegey in laga soo saarey degmada lagu hareereysan yahay ee Baba Amr , iyadoo ay caawinayaan mucaaradka Syria maalintii Isniinta..
Mr Conroy waxaa uu u shaqeeyaa wargeyska dalka Britain laga leeyahay ee the Sunday Times. Waxaa uu ku sugnaa magaalada Homs, isagoo ay wehlisey weriyaha Marie Colvin, oo halkaasi lagu diley toddobaadkii hore.
Dibloomasiyiin ku sugan magaalada Beirut ayaa xaqiijiyey in Conroy uu halkaasi gaarey isagoo bedqaba.
Waxaa soo gaarey dhaawac lugaha kadib markii goob ay ku sugnaayeen madaafiic lagu garaacey maalintii Arbacada.
Waxaa kale oo weerarkaasi ku dhintey sawirqaade u dhashey Faransiiska oo magaciisa la yiraahdo Remi Ochlik.
Ilaa iyo haatan ma cadda in weriyeyaasha kale ee ku sugnaa Baba Amr ay magaalada ka baxeen iyo in kale.
Balse warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya weriye Faransiis ah Edith Bouvier ay iyana nabad qab ku soo gaartey Lubnaan.
Xaaladooda ayaa soo bandhigtey xasarada bainaadminimo ee ka sii dareysa ee ka jirta magaalada Homs. Iyadoo Ururka Laanqeyrta Cas uu isku dayayo inuu caawiyo dadka dhaawacmey.