bbc.co.uk navigation

Mandela oo isbitaal la dhigay

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 25 Febraayo, 2012, 12:19 GMT 15:19 SGA

Madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika, Nelson Mandela waa 93 jir

Madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika, Nelson Mandela, ayaa la dhigay isbitaal. Hadal dowladdu ay oo saartay ayaa lagu sheegay in Mr Mandela oo 93 jir ah uu ka xanuunsan yahay caloosha, oo uu u baahday in la geeyo isbitaalka.

Waxaa la aaminsan yahay in xaaladdiisu hadda ay deggan tahay, kadib markii uu maray qalliin sii qorsheysnaa.

Afhayeenka Madaxtooyada Koonfur Afrika, Mac Maharaj, ayaa sheegay inuu fiican yahay hadda.

Waa markii labaad ee Mandela isbitaal la geeyo muddo sanad ah.

Madaxweynaha hore ayaa waxa hawlgab noqday muddo sideed sano ka hor ah, inta badanna lagu arko meelaha fagaaraha ah.

BBC © 2012 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.