bbc.co.uk navigation

Shirka London oo furmay

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 23 Febraayo, 2012, 06:48 GMT 09:48 SGA
David Cameron oo qauraac la cunay madaxda Soomaalida

David Cameron oo quraac la cunay madaxda Soomaalida

Shir ballaaran oo caalami oo looga hadlayo mustaqbalka dalka Soomaaliya ayaa maanta ka dhacay magaalada London.

Waa dadaal uu hogaaminayo ra'iisul wasaaraha Britain David Cameron si qaab cusub loogu wajaho dagaalka sokeeye, fowdada iyo macluusha wadanka soo wajahday in ka badan labaatan sano.

Wakiilada dowladda ku meelgaarka ah iyo kooxo kale oo Soomaali ah ayaa ka qaybgalaya balse kuma jiraan kooxda Islaamiga ah ee al-Shabaab oo gacanta ku haysa qaybo ka mid ah bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya.

In ka badan konton hogaamiyayaasha gobolka iyo kuwa caalamka ayaa ka qaybgalaya.

Waxyaabaha looga hadlayo waxaa ka mid ah sidii loo heli qaab lagula tacaalo al-Shabaab iyo sidoo kale burcad-badeeda, macluusha iyo dhibaatada ballaaran ee dhinaca qaxootiga.

BBC © 2012 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.