bbc.co.uk navigation

UNHCR oo ka hadashay xaaladda Afgooye

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 17 Febraayo, 2012, 17:30 GMT 20:30 SGA

Kumanaan qof ayaa mar labaad ka qaxay meelihii ay joogeen

Hay'adda Qaxootiga ee Qaramada Midoobay ee UNHCR ayaa sheegtay in kumannaan dad rayid ah ay ka carareen dagaallo ka soo cusboonaaday agagaaraha deegaanka Afgooye. Dhulkaas waxaa degganaa dad gaaraya 410 kun oo ah Soomaali dalka gudihiisa ku barakacday, una dhiganta saddex meelood oo meel ahaan dadweynaha waddanka gudihiisa ku barakacay.

UNHCR waxay sheegtay inay ka cabsi qabto ammaanka dadka barakacay, waxayna ku boorrinaysaa dhammaan kooxaha hubaysan iyo ciidammada inay muhiimadda koowaad siiyaan badbaadinta dadka rayidka ah.

Labadii toddobaad ee la soo dhaafay, dad ka badan 7,200 oo qof ayay khasab ku noqotay inay ka soo baxaan Afgooye. In ka badan 5,200 qof oo dadkaas ka mid ah waxay ka carareen dagaalladan ugu dambeeyay.

Dadka cusub ee barakacay badankoodu waxay hore uga barakaceen magaalada Muqdisho iyo meelo kale oo Soomaaliya ka mid ah, ayay sheegtay UNHCR.

Shaqaalaha UNHCR maalintii Arbacadii waxay 150 basas iyo gaari dameerro sida dadka soo barakacay oo ka soo gudbaya meel ka mid ah meelaha magaalada laga soo galo.

Dhibaatada inta badan waxay gaartay caruurta iyo haweenka

Dad kale ayaa lug ku soo gelayay magaalada. Dadkaasi qaarkood waxay degeen xerooyinka dadka barakacay ee magaalada hore u joogay, qaarna waxay aadeen degmooyin dhowaan laga baxay, qaar kalana waxay la degeen qoysas ama qaraabo ay magaaalda ku lahaayeen.

UNHCR iyo hay'ado kale waxay sheegeen inay kordhinayaan gargaarka si ay dadkaasi u helaan hoy, cunto iyo biyo.

Dad gaaraya hal milyan iyo 300 kun oo qof ayaa dalka gudihiisa ku barakacsan. Kudhowaad hal milyan oo Soomaali ahna waxay qaxooti ahaan ugu nool yihiin waddammada deriska ah oo ay ugu horreyso Kenya oo ay joogaan 520 kun, Yemen 203 kun iyo Itoobiya 186 kun.


UNHCR waxay sheegtay in Soomaaliya ay tahay meesha ugu daran ee dhibaatada bani'aadanimo ka soo wajahayso hay'adda, halkaas oo ay ka imanayso tirada ugu badan adduunka ee qaxootiga iyo dadka barakacay marka laga yimaad Afqanistaan iyo Ciraaq.

BBC © 2012 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.