bbc.co.uk navigation

Karzai oo qirtay wada hadalada Taliban

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 16 Febraayo, 2012, 11:16 GMT 14:16 SGA

Madaxweynaha Afghanistan iyo Raiisul Wasaaraha Pakistan

Madaxweynaha Afghanistan, Xamiid Karzai aya sheegay in dowladdiisa iyo Mareykanka inay wada xaajood saddex dhinac ah la yeesheen Taliban.

Waa markii ugu horreysay ee hoggaamiyaha Afghanistan uu qirtay si cad inay jiraan xiriir noocaasi ah oo dhacay.

Ilaa hadda Taliban waxa ay diideen inay wax heshiis ah la galaan dowladda Mr Karzai oo ay ku tilmaameen inay tahay mid maqaar-saar ah.

Hadalkan ayaa ku soo baxay wareysi uu siiyay wargeys Mareykan ah Wall Street Journal, iyadoo Madaxweyne Karai uu isu diyaarinayay
inuu u safro Islamabad oo uu wadahad la leeyahay madaxda Pakistan, isagoo markiiba la kulmay Raiisul wasaare Yousuf Raza Gilani.

BBC © 2012 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.