bbc.co.uk navigation

Shirkadda korontada Gaza oo la xirey

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 14 Febraayo, 2012, 13:25 GMT 16:25 SGA
Gaza

Gaza

Shirkadda qaabilsan dhalinta korontada ee Gaza waxay sheegtey in magaalada inteeda badan ay dhowaan isu beddeli doonto mugdi.

Qeybaha soo harey waxay dabka korontada ka helaan Israel. Shirkaddan dhalisa korontada waxay ku shaqeysaa shidaal si sharcidarro ah looga soo dhoofiyo jidadka dhulka hoostiisa ku yaala ee ka yimaada Masar.

Shidaalkaasi ayaa haatan gebi ahaanba la waayey, sababtuna waxa weeyaan mushkiladda siyaasadeed ee ka aloosan Masar.

Qoysas farabadan iyo ganacsiga kala duwan ayaa waxay haystaan mashiinada dabka dhaliya si ay uga nabad galaan koronto la'aanta.

Laakiin shidaalka ay ku socodsiinayaan mashiinadaas ayaa haatan dhib ah si lagu helo.

Toddobaadkan safaf dhaadheer ayaa lagu arkayey goobaha shidaalka lagu iibiyo, halkaas oo dad badan ay aad uga walaacsanayeen sidii ay shidaal ay gawaaridooda ugu shubtaan uga heli lahaayeen.

War ka soo baxay shirkadda korontada ayaa ugu baaqey Masar inay rukhsad siiso in shidaal badan uu ka yimaado dhankeeda.

Warka waxaa kaloo lagu cambaareeyey talaabada Israel ay xayiraadda ugu hayso dhulka Falastiiniyiinta.

Israel iyo Masar waxay cunaqabateyn ku soo rogeen Gaza kadib markii dhaqdhaqaaqa Islaamiga ee Hamas ay awoodda la wareegeen sannadkii 2007da.

Sannadkii tegey Masar waxay qafiifisey cunaqabateynta , waxayna dadka u oggolaatey inay si sahlan u safri karaan, laakiin dhamaan dhaqdhaqaaqa ganacsiga ee sharciga ah weli waa mamnuuc.

BBC © 2012 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.