bbc.co.uk navigation

Wadahadal u socda Shiinaha, USA iyo Yurub

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 14 Febraayo, 2012, 13:27 GMT 16:27 SGA
Hu Jintao oo qaabilaya wafdiga EU

Hu Jintao oo qaabilaya wafdiga EU

Magaalada Beijing waxaa wadahadal uga socdaa saraakiil sare oo ka socda Midowga Yurub iyo Shiinaha, waxayna ka doodayaan xiriirkooda mustaqbalka iyo mushkiladda dhaqaale ee ka jirta waddamada Yurub . Dhanka kalena magaalada Washington waxaa ku kulmaya Aqalka Cad Madaxweyne Obama iyo ninka loo badinayo inuu noqdo hoggaamiyaha Shiinaha, Xi Jinping.

Kulamadan ka dhacaya Beijing iyo Washington waxay muujinayaan sida Midowga Yurub, Mareykanka iyo hoggaanka Shiinaha ay dhamantood isku dayayaan inay ka wadahadlaan soo ifbaxa Shiinaha iyo weliba dal door weyn ka qaadanaya arrimaha caalamka.

Xiriirka ak wada dhexeeya waa mid adag hadana tartiib tartiib u soo hagaagaya. Shiinaha waxaa uu ka walaacsan yahay baaqayda ka imanaya Mareykanka iyo Midowga Yurub ee ay ku dalbanayaan kaalmo dhaqaale iyo sida xasarada dhaqaale ee reer galbeedka saameyn ugu yeelan karto kororka dhaqaale ee Shiinaha.

Dhanka xiriirka Mareykanka iyo Shiinaha, waxaa jirta dano istaraatiijiyadeed oo dhexeeya dal awood weyn leh iyo dal hadda soo ifbaxaya sidii ay wada noolaan lahaayeen.

Socdaalka Washington ee ninka la filayo inuu noqdo hoggaamiyaha Shiinaha waa tii ugu muhiimsaneyd tan iyo markii maamulka Obama uu soo bandhigey qorshihiisa ku aadan gobolka Asia-Pacific. Waxaa dadka badankiisa ay tani u arkaan jawaab inay u tahay doorka sii kordhaya ee Shiinaha ku leeyahay gobolka.
Hase yeeshee Yurub sidaa sawirka dhinaca istaraatiijiyadda sidaa uma aragto.

Arrimaha la xiriira Syria iyo Iran ayaa iyana ah kuwo walaac weyn ku haya Yurub, waxayna taasi mar kale soo bandhigtey muhimadda istaraatiijiyadeed iyo kan diblomaasiyeed ee Shinaha ku leeyahay siyaasadda caalamka.

BBC © 2012 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.