bbc.co.uk navigation

Dibedbaxyo ka dhacay Baxrain

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 14 Febraayo, 2012, 10:25 GMT 13:25 SGA
Dibedbaxyada Baxrain

Baxrain waxaa la xusayaa sanad guuradii ka soo wareegtay mudaaharaadyadii

Boliiska Baxrain ayaa isticmaalay sunta dadka ka ilmaysiiso oo ay ku kala eryeen dad mudaaharaadayay.

Dadkani ayaa waxay xusayeen sanadguuradii ka soo wareegtay markii ay bilaawdeen mudaaharaadka Baxrain.

Waxaa jiray iska horimaadyo xalay ka dhacay magaalo madaxda Manama iyo xaafadaha ay dagaan dadka Shiicada ah.

Kumanyaal qof aya doonaya inay ku banaan baxaan fagaaraha Lu'lu ee bartamaha Manama oo ay sanadkii hore ka dhaceen mudaaharaadyada.

Boliis badan ayaa jidadka la dhigay. Dadka mudaaharaadaya ayaa Shiicada wadanka u badan waxayna doonayaan inay hanaan ku dhisan dimoqraadiyad. Wadanka waxaa ka taliyo bqortooyo ay maamuleen dad Sunniyiin ah.

BBC © 2012 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.