bbc.co.uk navigation

Navy Pillay oo eedeysay Syria

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 13 Febraayo, 2012, 20:16 GMT 23:16 SGA
Taangiyada dowladda Syria

Taangiyada dowladda Syria ay u isticmaalayso meelaha ay rayadka degan yihiin

Madaxa Hayadda Qaramada Midooobay u qaabilsan xuquuqda biniaadanka Navi Pillay ayaa iyadoo ka hadlaysa Qaramada Midoobay waxay eedeyn u jeedisay dowlada Syriya.

Navi Pillay waxay sheegtay in wax ka qabasho la'aanta Golaha Amaanka ee Syria inay keentay in Syria ay bilaawdo weerar ay ku baabiinayso mucaaradka.

Waxay sheegtay waqtiga dheer ee uu caalamka ay ku qaadanayso inuu xaalada wax ka qabto in dadka reer syriya xaaladooda ay sii xumaanayso.

Ruushka ayaa sheegay inay aqrin doonaan qorshe ay soo jeedisay Jaamacada Carabta oo ah in ciidamo nabad ilaalin ah oo ka socda Jaamacada Carabta iyo Qaramada Midoobay loo diro Syriya.

Laakiin wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka Sargei Lavrov ayaa sheegay in loo baahan yahay xabad joojin intaan ciidamo nabad ilaalin la gayn Syria. Sargei Lavrov ayaa sheegay in kooxda hubaysan ee la dagaalamaya dowladda aysan lahayn hogaamiye.

Ruushka oo xiriir dhow la leh Syria ayaa ishortaagay go'aan uu Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ku doonayay in lagu joojiyo dilka ay dowladda u gaysanayso dadaka rayadka ah.

BBC © 2012 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.