bbc.co.uk navigation

Wareysiga safiirka Britain ee Soomaaliya

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 13 Febraayo, 2012, 17:11 GMT 20:11 SGA

Media Player

Safiirka Britain u magacawday Soomaliya ayaa sheegay in shirka London oo la wabanaaya Soomalida uu ka hadli doono arrimaha nabadda iyo xilliga kala-guurka

Maqalmp3

Waxaad u baahan tahay Flash player sax ah si aad u daarto Maqal ama Muuqaal.

Qalab kale ku ciyaar

Matt Bough oo ah Safiirka Britain u magacawday Soomaliya ayaa sheegay in Labaatan sanno ka dib, braitain ay garawsatay in la gaaray waqtigii ay dhamaan lahayd colaada, waxaa uu sheegay in la gaaray waqtigii ay beesha caalamka si buuxda isula shaqeynlahayd si loo soo afjaro colaad, iyo si loo saacido dadka soomalida ah:

Bough waxaa uu sheegay ion Shirka uu ku saabsanaan doonaa seddex arrimood:

1. In la meel la isugu keeno dareenka caalamka loona muujiyo in caalamka in soomaliya tahay arrin caalamka muhiimad u leh in uu wax ka qabto.

2. In xaalada ammaanka sare loo qaado iyo in sidoo kale la hor mariyo hanaanka cadaalada iyo kala dambeynta..

3. In wax laga qabto xaaladda bani'aadannimo ee ka jirta dalka.

Matt Bough waxaa uu in dhinacyadda soomalida ka soo qeybgalayso kullankan, ay yihiin kuwa saxiixay qorshaha Roadmap-ka kwaas oo kala ah hoggaanka hay'adha dolwadda ku meel-gaarka siiba madaxweynmaha iyo raisul-wasaaraha.

Safiirka waxaa uu sheegay in uu filaaya in Raisul-wasaaraha Ethiopia Meles Zenawi iyo Madaxweynihi Uganda Yoweri Museveni inaa imaan doonaan, waxaa kale oo uu sheegay in wafdi heer sare ah uu Kenya ka imaan doono.

Matt Bough ayaa sheegay in si guud ahaan ay kullanka ka soo qeyb geli doonaan in ka badan 40 madxweyne iyo wasiirro arrimaha dibadeed oo ka kala socda waddamada Khaliijka, Europe, America, Africa iyo ugu yaraan 10 hay'adood sida UN-ka , Midowga Africa iyo kuwa kale.

BBC © 2012 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.