bbc.co.uk navigation

al-Zawahiri oo ka hadlay xaaladda Syria

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 12 Febraayo, 2012, 12:25 GMT 15:25 SGA

Xaalada waddanka Syria ayaa looga hadlayaa shir ka dhacaya Qaahira

Iyadoo wasiiradda arrimaha dibedda ee Carabta ay isu diyaarinayaan inay ku kulmaan magaalada Qaahira ayaa hogaamiyaha al-Qaacida Ayman al-Zawahiri, waxa uu ku booriyay mucaaradka Syria in aanay isku haleyn Jaamacada Carabta ama awoodo shisheeye oo kale.

Fariin video ah oo internetka la soo geliyay ayaa Mr Zawahiri, oo xilka la waregay markii la dilay Osama Bin laden bishii May ee sanadkii hore, waxa uu sheegay in mucaaadka Syira ay tahay inay isticmaalaan wax walba ee ay awoodda uga ridi karaan maamulka Syria.

Waxa uu ku booriyay dagaalyahaniinta dalalka kale inay ku biiraan oo ay gacan siiyaan.

BBC © 2012 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.