bbc.co.uk navigation

Whitney Houston oo geeriyootay

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 12 Febraayo, 2012, 09:44 GMT 12:44 SGA

Whitney Housten waxa ay ahayd 48 jir

Gabadha heesaaga iyo jilaaga ah ee u dhalatay Mareykanka, Whitney Houston ayaa geeriyootay iyada oo 48 jir ah.

Shaqaalaha caafimaadka ee deg degga ah ayaa loogu yeeray qol ay ka deggeneyd hotelka Beverley Hills, wax yar kadibna waaa lagu dhawaaqay inay geeriyootay.

Houston waxa ay duubtay heesaheedii caanka ahaa 1980 ilaa sagaashameeyadii, laakiin markii danbe waxa nolosheeda hareeyay daroogo iyo aakahool.

Aasaasihii Motown, Berry Gordy, ayaa sheegay in ay ahayd qof cajiib ah, oo aqoonteeda iyo jacaylka ay u qabtay muusigga uu ahaa wax weyn.

Heesaa caana ah Aretha Franklin oo ay aad u ixtiraami jirtay ayaa sheegtay inay aa uga naxday warka ku saabsan geerideeda.

BBC © 2012 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.