bbc.co.uk navigation

DKMG oo ka hadashey xiriirka Al Qaacida iyo Al Shabab

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 10 Febraayo, 2012, 15:22 GMT 18:22 SGA
Dagaalyahanada Al Shabab

Dagaalyahanada Al Shabab

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee DKMG ee Somalia, Cabdisamad Maxamed Xasan ayaa sheegey in talaabada ay Qaacida ku shaacisey inay la midowdey kooxda Al-Shabab, aaney wax cusub ahayn.

Wasiirka oo u waramayey BBCda waxaa uu sheegey in Al-Shabab iyo Al Qaacida waxa ay haatan sameeyeen ay tahay uun inay si cad isu soo bandhigaan, dunidana u sheegaan inay wadajiraan.

Mr Cabdisamad ayaa sheegey in kala qeybsanaanta Soomaalida loo aaneyn karo dhibaatada haatan dalka ka jirta, oo ay ka mid tahay in argagixisada caalamiga ay soo hunguriyeyaan Somalia.

Mar uu ka hadlayey suuragalnimada in dowladda KMG ee Somalia ay wadahadal la furto Al-Shabab iyo in kale, waxaa uu wasiirku sheegey in wax badan ay isku dayeen inay wax walba wadahadal ku dhameeyaan, si dalka looga saaro dhibaatada uu ku jiro, balse caqabadda ugu weyn ay mar walba ahayd Al-Shabab oo ku xiran Al Qaacida.

BBC © 2012 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.