bbc.co.uk navigation

Madaxweynaha Maldives oo is casiley

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 7 Febraayo, 2012, 16:22 GMT 19:22 SGA
Madaxweynaha Maldives oo is casiley

Madaxweynaha Maldives oo is casiley

Madaxweynaha dalka Maldives, Mohamed Nasheed, ayaa is casiley. Mr Nasheed, oo ah madaxweynihii ugu horeeyey ee si dimoqraadi ah loo soo doorto, ayaa televishanka qaranka ka shaaciyey is casilaadiisa, kadib markii saraakiisha booliska ay gadoodeen.

Madaxweyne ku xigeenka dalka, Mohammed Waheed Hassan, ayaa loo dhaariyey inuu la wareego xilka madaxtinimada.

Mushkiladda ayaa bilaabatey toddobaadyo kadib oo ay dhacayeen mudaaharaadyo looga soo horjeedey xarig loo geystey garsooraha ugu sareeya ee qaadista dembiyada culus Abdulla Mohamed. Xarigaasi ayaa lagu tilmaamey mid shaki badan dhaliyey.

Mr Nasheed ayaa ku eedeeyey garsooraha inuu u janjeero dhanka mucaaradka.

Laakiin ninka haatan talada la wareegey, Madaxweyne Waheed Hassan, ayaa sheegey in awoodda fulinta aaney faragashan nidaamka garsoorka ee dalka.

BBC © 2012 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.