bbc.co.uk navigation

Khatarta argagixisada ee Britain

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 7 Febraayo, 2012, 14:57 GMT 17:57 SGA
Dagaalyahanada Al-Shabab

Dagaalyahanada Al-Shabab


Warbixin faahfaahsan oo la xiriirta halista ay argagaxisada ku leedahay dalka Briatian, oo uu soo saaray machad arimaha argagxisada kala taliya dalka Britain, lana yiraahdo RUSI, ayaa ka digaya duufaano halis ah oo is biirsadey oo wadanka ku soo socda mustaqbalka dhaw.

Dhawrka sanno ee socda ayaa machadka waxa uu sheegayaa in shaqsiyaad soo bahaloobay ay ku soo noqonayaan dalkan iyaga oo ka imanaya dalalka ay ka soo dagaalameen, sida Somalia,Nigeria iyo Yemen.

Machadku waxa uu ku sheegay tirada dagaalyahanada shisheeye ee ka barbar dagalamaya kooxda Islaamiyiinta xagjirka ah ee dalka Somalia ee Al-Shabab,afar meelood meel ahaan ay haystaan dhalashada dalka Britain.

Khubarada soo diyaariyey warbxintan ayaa ka walwalsan soo noqoshada dadka ceynkaas ah, iyo inay isku soo beegmi karaan sii deynta maxaabiista dembiyada argagixisada loo heystey dalkan Britain tobanki sano ee la soo dhaafay.

Agaasimaha machadka RUSI, Prof. Micheal Clerk, ayaa sheegaya in dadaalada muddooyinkan lagula tacaalayo aragagixisada iyo ka hortagga in dad badan laga dhigo kuwo xag jir ah ay kala dhantaali karaan dhibaatada dhaqaale ee caalamka, taas oo aaney Britain wax badan ka awoodin.
Waxaa uu intaa ku darey in arrimahani ay soo bandhigeen aaney la xiriirin ammaanka ciyaaraha Olympiga, balse ay yihiin kuwo ka qoto dheer.

BBC © 2012 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.