bbc.co.uk navigation

Dagaallo ka socda Syria

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 6 Febraayo, 2012, 10:13 GMT 13:13 SGA
Dibad baxyada Syria

Syria waxaa ka socda kacdoonn ka dhan ah Madaxweyne Al-Assad

Dowladda Syria ayaa kordhisay weerarka duqaynta ah ee ay ku hayso magaalada Xoms oo xarunta u ah mucaaradka Madaxweyne Bashar Al-Asad.

Warar aan la xaqiijin karin ayaa sheegaya in Isbitaal ku yaala xaafada Baba Camr la weerarary.

Wariyaha BBC-da oo jooga Xoms ayaa sheegay in weerarka uu sii kordhay saacadihii ugu danbeeyay .

Ciidanka taageersan mucaaradka ee lagu magacaabo Ciidanka Xorta ee Syria ayaa hub yar ridayay.

Magaalada dhexdeeda dadka dhaawaca ah ayaa lagu dawaynayaa isbitaalo ay dadaka samaysteen, maydkana waxa la duugi karaa oo kliya xilliyada habeenkii.

Golaha amaanku ayaa maalin ka hor ku guul darraystay in uu soo saaro go'aan dhan ka ah Syria. Ruushka iyo Shiinaha aya diidmada qayyaxan ee Veto-ga saaray qaraar ay soo jeeedisay jaamacadda carabta oo ku baaqayey in mdaxweyne Al-Asad uu xukunka ka dego.

Codka veto-ga ee Shiinaha iyo Rushka wuxuu aad uga careysiiyey dawladaha reer galbeedka oo ka cabsi qabo inuu Madaxweyne Asad xukunka ku sii adkaysto.

Ruushka waxaa uu caddeyay in uusan taageereeyn baaq kastoo loo fasiran karo inuu horseedi karo fara gelin military, ama dawladda Syria oo la beddelo oo weli waxaa dhagaha Ruush-ka ka sii yeereysa qaraarkii ay oggolaadeen ee Libya oo ahaa in la daryeelo rayika markii dambese xukunka lagaga riday laguna khaarajiyey Col Qaddafi.

Ruushka iyo Shiinaha waxay soo jeediyeen in wax laga bedelo qaraarku sidii uu u qornaa, Safiirka Maraykanka u fadhiya UN Amb Suzane Rice ayaa rrintani ku tilmaantay arrintani mid aan la qabali karayn.

Xiriirrada macnaha ka dhexeeya

BBC © 2012 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.