bbc.co.uk navigation

Maraykanka, Israel oo ka wal-walsan Iran

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 6 Febraayo, 2012, 10:35 GMT 13:35 SGA
Madaxweyne Obama

Madaxweyne Obama waxaa uu ka wal-walsanyahay Barbnaamijka Nukliyarka ee Iran

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa sheegay in Israel ay xaq u leedahay inay ka wal-washo barnaamijka Nukliyarka ee Iran .

Waraysi uu siiyay Telefishinka NBC ayuu Obama ku sheegay in uu aaminsanyahay in Israel aysan weli go'an ka gaarin sidii ay uga jawaabi lahayd walaaca ay ka qabto barnaamijka Nukliyarka Iran.

Mr Obama ayaa sheegay in Israel ay sida Maraykanka aaminsan tahay in la joojiyo barnaamika nukliyarka ee Iran. Wuxuu sheegay in Maraykanka qorshihiisu uu yahay in xaalada lagu xalliyo si diblomaasiyadeed, laakiin wuxuu sheegay in tallaabo kasta oo lagu joojin karo barnaamijka Nukliyarka ee Iran la qaadi doono.

Obama ayaa sheegay in Israel iyo Maraykanka ay ka wada shaqeynayaan sidii loo hubin lahaa in Iran aysan gaarin meel ay ku soo saari karto hubka Nukliyarka.

BBC © 2012 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.