bbc.co.uk navigation

Dad laga raray guryaha dowladda Muqdisho

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 6 Febraayo, 2012, 18:08 GMT 21:08 SGA
dadka bara-kacayaasha

Muqdisho waxaa dadka laga rarayaa guryaha dowladda

Dowladda KMG ee Somalia ayaa bilowday hawlgal ballaaran oo lagu rarayo kumanaan qof oo ku noolaa dhismayaasha dowladda ee magaalada Muqdisho.

Weriyayaasha waxay sheegayaan in talaabadani ay calaamad u tahay dowladda oo bilaabeysa dib u soo celintii sharciga iyo kala dambeynta, iyo inay dayac tir ku sameyso kaabayaasha dhaqaalaha, Tani ayaa ka dambeysa dhwor sano oo dagaal kula jirtey kooxaha kasoo horjeeda.

Hay'adaha gargaarka ee maxalliga ayaa sheegaya in qiyaastii konton kun oo qof ay ku noolaayeen dhismayaasha wasaaradaha, dugsiyada iyo jaamacadaha.

Goobaha maanta la faaruqiyey waxaa kamid ah Bacaadlaha Degmada Xamarweyne oo uu Madaxweyne Sheikh Shariif Sheikh Ahmed goob joog ka ahaa.

Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyaya dadka goobaha deganaa sida wanaagsan ee ay u fuliyeen ammarka dowladda. Hasa ahaatee, qaar kamid ah dadkii guryaha laga raray ayaa sheegay in dowladda aysan u sheegin qorshe dib-looga dejinayaa.

Xiriirrada macnaha ka dhexeeya

BBC © 2012 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.