bbc.co.uk navigation

Soomali ku xiran Ukraine

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 3 Febraayo, 2012, 12:41 GMT 15:41 SGA
Booliska Ukraine

Soomali si sharci darro ah halkaasi ku tegtay ayaa lagu haayaa xabsi

Qaxooti Soomali ah oo si sharci darro ah ku galay dalka Ukraine ayaa lagu hayaa xabsiayada dalkaasi, Hay'adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa sheegtay in dadkaasi ay cunnada ka soomeen.

Mas’uliyiinta laanta socdaalka ee Ukraine, waxay ku doodayaan in dadkani aysan cunnda ka soomin ee guryahooda ay wax ku cunaan.

Hay'adda Amnesty International ayaa ugu baaqday dowladda in ay dadkaasi ay ula dhaqato sida da magan galyo doon ah, lakin waaxda socdaalka ee dalkaasi waxay leedahay dadkaasi waxaa loola dhaqamayaa si waafaqsan xeerarka Midowga Yurub ee la xiriira socdaalka.

Amnesty waxaa kale oo ay ugu digtay dowladda in ay dadkaasi ku celiso Soomaaliya, oo ay sheegtay in ay ka socdaan dagaalo. Dowladda Ukraine waxay ku adkaysanaysaa in ugu horeyntii ay baareyso in dadkani ay Soomali yihiin iyo in kale.

Ukraine waa goob marriin u ah dadka doonaaya in ay Europe soo galaan, waxayna badigooda ka soo galaan xadka uu dalkaasi la wadaago Ruushka.

Xiriirrada macnaha ka dhexeeya

BBC © 2012 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.