bbc.co.uk navigation

Qabow iyo baraf saameeyay Yurub

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 5 Febraayo, 2012, 18:40 GMT 21:40 SGA

Barafka ayaa xiray inta badan jidadka qaaradda Yurub

Baraf iyo cimilo qabow oo saa'id ah ayaa waxyeelo u geystay socaalka gaadiidka hawada iyo dhulka ee guud ahaan qaaradda Yurub.

Waxaa la baajiyey diyaaradihii waxaana la xiray waddooyinka.

Magaalada Amastadam, diyaaradaha aya la joojiyey garoonka Schiphol, halka magaaladatan London la joojiyey boqolkiiba 30 diyaaradihii ku soo degi lahaa garoonka Heathrow.

Dalka Talyaaniga in ka badan 100 kun oo qof ayaa waxa ku dhacday koronto la'aan.

BBC © 2012 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.