
Hayadda bisha cas ayaa gargaar siisa in kabadan milyan qof
Hayadda gargaarka ee Bisha Cas ayaa sheegtay inay ka xun yahay go'aanka ay Alshabaab ku mamnuucday toddobaadkii hore adeegii ay ka waday meelaha ay maamulaalaan Alshabaab.
Bisha Cas ayaa sheegtay, inay siinaysay gargaar cunto dad dhan 1.2 milyan oo qof markii ay Alshabaab mamnuucday.
Alshabaab ayaa ku eedeysay bisha Cas inay bixiso cunto dhacday, ayna si been ah ugu eedeysay Alshabaab inay hor istaagtay adeegooda.