
Xoghayaha Arrimaha dibadda ee Britain William Hague iyo safiirka Britain ee Somalia Matt Bough
Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Britain, William Hague, ayaa saaka booqday Muqdisho.
Waa markii ugu horreysay xoghaye Arrimo Dibadeed oo Britain ah oo booqda Soomaaliya muddo 20 sano ah.
Waxaa uu ku baaqay in la kordhiyo dadaalka lagula jira argagixisada Soomaaliya ku sugan.
William Hague wuxuu ku tilmaamay in guulaha militeri ee ciidanka AMISOM ay dhowaan soo hooyeen ay al Shabaab ciidankeeda ku khasabtay dib u gurasho.
Dowladda britain waxay London ku marti gelineysaa shirweyne caalami ah oo looga arrinsado Soomaaliya bishan gudaheeda.