bbc.co.uk navigation

Kenya: Badhaadhe ayaan qabsanay

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 2 Febraayo, 2012, 12:43 GMT 15:43 SGA
Ciidanka Kenya

Kenya ayaa sheegtay in ay qabsatay Degmada Badhaadhe

Ciidamada Kenya oo kaashanaaya dagaalyahanka Raas Kambooni ayaa sheegay in ay qabsadeen Degmada Badhaadhe ee ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Afhayeenka militariga Kenya Gaashaanle Emanuel Chirchir ayaa BBC u sheegay in ciidankooda la wareegay Degmada Badhaadhe

Ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay dhanka Xarakada Al-Shabaab oo ay ciidamada Kenya sheegayaan in ay ka qabsadeen magaalada.

Afhayeenka Raas Kambooni Cabdinaasir Seeraar ayaa weriyaha BBC ee Nairobi Cabdirissaq Xaaji Catoosh u sheegay in ciidankooda oo damacsanyahay in uu horey ugu sii durko aagaasi.

Ciidamada Kenya ayaa mudo ka badan 100 maalmood ku jira gudaha Soomaliya, Badhaadhe ayaana ah xarruntii ugu horeysay ee Degmeed ee ay sheegaan in ay qabsadeen.

Ma jiraan ilo madax banaan oo BBC u xaqiijiyay in magaalada ay gacanta u gashay ciidanka Kenya

Xiriirrada macnaha ka dhexeeya

BBC © 2012 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.