bbc.co.uk navigation

Ra'isul Wasaarayaasha Soomaaliya iyo Talyaaniga oo kulmay

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 1 Febraayo, 2012, 19:09 GMT 22:09 SGA
Raisul Wasaaraha Talyaaniga

Raisul Wasaaraha Soomaaliya iyo dhiggiisa Talyaaniga oo kulmay

Ra'isul Wasaaraha Somalia Cabdiweli Maxamad Cali oo booqasho shaqo ah ku jooga dalka Talyaaniga ayaa wadahadalo la yeeshey Ra'isul Wasaaraha dalkaasi Mario Monti.

Waxayna ka wada hadleen arrimaha la xiriira burcad badeeda iyo shirka London lagu qaban doono oo loogu hadli doona arrimaha Soomalia. Raisul wasaaraha waxaa uu sheegay in dowladiisa diyaar u tahay in ay la hadasho Xarakada Al-Shabaab.

Ra'isul Wasaare Cabdiweli waxaa kale uu horey ula shiray wasiirada arrimaha dibadda iyo gaashaandhiga, Talyaanigana waxaa uu ballan qaaday in uu Soomaliya ka caawin doono dhanka militariga.

Talyaaniga ayaa shirka London loogu qaban doono Soomaalida ku tilmaamay fursad nabad loogu soo dabbaali karo dalkaasi.

Xiriirrada macnaha ka dhexeeya

BBC © 2012 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.