UNHCR: 1500 ayaa badda ku dhimatay 2011

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 31 Janaayo, 2012, 17:46 GMT 20:46 SGA
Qaxooti Soomaliyeed

Dadka magangelyo doonka ah ayaa ku dhamaado badda


Hay'adda qaxootiga ugu qaabilsan Qaramada Midoobey ee UNHCR ayaa sheegaysa in 1500 oo qof ay ku dhinteen badda ama la waayey halkii ay ku dambeeyeen sannadkii tegay.

Dadkani ayaa waxay hay'addu sheegaysaa in ay isku deyayeen in ay ka soo tallaabaan Africa oo ay galaan qaarada Yurub, waxayna isku dayayeen in ay maraan badda Meditereniyan-ka .

Tiradda maanta ay hay'ddu ku soo bandhigtay magaalada Geneva waa tiraddii ugu badneyd ee ebid la diiwaan-geliyo, balse Qaramada midoobey waxay sheegaysaa in tiradaasi intaasi ka badan karto.

Sanadka 2011 waxa la sheegay in tiraddii ugu badneyd ee dadka magangalyo doonka ah ay soo gaareen Yurub, kwaas oo inta badan soo maray badda Meditreniyianka, QM waxay sheegaysaa in taasi ay astaan u tahay ama muujinayso dhibaatooyinka sannakii tegay ka dhacay Woqooyiga-Afrika iyo Bariga Dhexe.

Dalka Libya, waxaa toddobaad ka hor laga helay maydka 15 qof oo Soomali ah oo kamid ahaa dad ka badan 50 oo la baadi goobaayay. Dadkaasi waxay saarnaayeen laba dooni, waxayna doonayeen in ay gaaraan dalka Talyaaniga ka hor intaan la wayn xiriirkooda.

bbc.co.uk navigation

BBC © 2012 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.