Syria oo laga soo saaray qaraar qabyo ah

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 28 Janaayo, 2012, 13:43 GMT 16:43 SGA

Kumanaan qof ayaa lagu dilay tan iyo markii rabshauhu ka bilowdeen Syria

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey, waxaa uu ka wada-hadlay qoraal qabyo ah oo loogu tala galay in lagu dhameeyo, rabshadaha bilaha badan ka socdey dalka Suuriya.

Qaraalkaasi, waxaa uu ansixinaya qorshihii nabada ee ay diyaarisay Jaamacada Carabtu oo Madaxweyne Bashar Al-Assad ugu baaqaya in uu awoodda uu ku wareejiyo, Ku xigeenkiisa oo la shaqayn-doona, dawlad qaran oo wadaag ah.

Ruushku waxaa ay sheegeen in aanay taageersanayn, qaybo ka mid ah qoraalka, hase ahaate ay diyaar u yihiin in ay ka hadlaan.

Danjiraha Faransiiska u fadhiya, Qaramada Midoobey, Gerard Araud oo shirka ka dib la hadlay saxaafada waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay in heshiis lagaaro.

bbc.co.uk navigation

BBC © 2012 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.