Ugu yaraan 30 lagu dilay Buuhoodle

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 27 Janaayo, 2012, 13:09 GMT 16:09 SGA

Ugu yaraan soddon ruux ayaa ku dhintay dagaal shalay ka dhacay Buuhoodle.

Wuxuu dhex maray ciidanka Somaliland iyo dad degaanka ah oo taageersan Khatumo.

Af hayeen u hadlay Nuuhoodle ayaa BBC u sheegay in dhinacooda laga dilay 25 ruux. Isaga oo sheeganaya in ciidanka Somaliland laga dilay 33 ruux.

Af hayeen u hadlay Somaliland, isagu khasaaraha kama hadal wuxuuse ku tilmaamay in dad yar oo qas wadayaal uu ku tilmaamay ay ka dambeeyaan colaadda.

Warar uu beeniyay af hayeenka Buuhoodle ayaa sheegaya in rag ka yimid shirkii Taleex oo uu ka mid yahay Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Dr. Cali Khaliif Galaydh ay tageen Buuhoodle lana hadleen bulshada.

bbc.co.uk navigation

BBC © 2012 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.