Weerar lagu soo furtay samafalayaal

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 25 Janaayo, 2012, 10:55 GMT 13:55 SGA
Jessica Buchanan iyo Paul Tisted

Laba samafale ee la afduubay Jessica Buchanan iyo Paul Tisted

Ciidamada gaarka ee Mareykanka ayaa Somalia ka fuliyey weerar ay ku soo furteen laba ka mid ah shaqaalaha gargaarka oo horey ay burcda Soomaaliyeed u afduubeen.

Labadan ruux waxay u kala dhasheen Mareykanka iyo Denmark.

Dhowr helicopterka oo miliateriga Mareykanka ayaa ku degey bartamaha Somalia xilli habeen ah ka dibna waxay ciidamadu weerareen xero ku taal meel miyi ah, halkaas oo kooxo hubeysan ay ku haysteen dadkan ay soo afduubeen.

Siddeed ka mid ah maliishiyada ayaa la diley.

Labada ruux ee la soo badbaadiyey ayaa xorriyaddooda dib loo soo celiyey iyaga oo aan waxba gaarin.

Waxaa loo duuliyey dalka Djibouti, halkaas oo Mareykanku ku leeyahay saldhig militeri.

Jessica Buchanan oo u dhalatey Mareykanka iyo ninka la afduubnaa Poul Thisted, oo u dhashey Denmark, waxaa la afduubay bishii October ee sannadkii hore, iyaga oo u shaqeynayey hay'adda samafalka ah ee qaabilsan miino bixinta ee Danish de-mining organisation.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.