UK iyo US oo booqday Muqdisho iyo Hargeysa

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 23 Janaayo, 2012, 17:39 GMT 20:39 SGA
Matt Baugh, Wakiilka Sare ee UK u qaabbilsan Soomaaliya

Matt Baugh, Ergeyga UK ee Soomaaliya

Magaalada Muqdisho ayaa maanta waxaa tegey ergeyga Dowladda Britain u qaabbilsan Soomaaliya, Matt Baugh.

Magaalada Hargeysana waxaa tegey dhiggiisa Mareykanka, James Swan.

Labada diblomaasi fadhigoodu waa Nairobi, mana cadda in socdaalkoodu uu wax xiriir ah leeyahay.

Socdaalku wuxuu ku soo beegmay iyada oo lagu jiro qaban qaabada shirka Soomaalida looga hadlayo ee London, oo qabsoomi doono muddo bil gudaheed ah.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland ayaa BBC u sheegay in ay mas'uulka Mareykanka ay ka wadahadleen kaalmada Mareykanka ee Somaliland iyo weliba arrimaha geeska Afrika.

Af hayeenka Dowladda Soomaaliyana wuxuu BBC u sheegay in ergeyga UK ay is arkeen Ra'iisal Wasaaraha oo ay ka wadahadleen shirka London iyo weliba Madaxweynaha.

bbc.co.uk navigation

BBC © 2012 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.