Qarax Beled Weyne

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 24 Janaayo, 2012, 12:04 GMT 15:04 SGA
Cabdullaahi Goodax

Cabdullaahi Goodax waxaa laga yaabaa in uu ahaa bartilmaameedka


Xarunta Gobolka Hiiraan ee magaalada Beled Weyne ayaa maanta waxaa ka dhacay qarax baabuur loo adeegsaday.

Shabaab ayaa sheegatay in ay ayadu mas'uul ka tahay qaraxa.

Waxay Shabaab sheegatay in halkaas ay ku dhinteen askar 30 gaareysa.

Cabdiraxman Cabdi Waare xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay inuusan xaqiijin karin khasaaraha ay Shabaab sheegatay.

Wuxuuse qiray in qaraxu soo gaaray dhisamaha ay ayagu deggan yihiin.

Magaalada Beled Weyne waxaa ku sugan wafdi ka tirsan Dowladda oo uu hoggaaminayo, Wasiirka Qorsheynta, Cabdullaahi goodax Barre.

Sannadkii 2009 ayaa magaalada Beled Weyne waxaa lagu dilay Wasiirkii Ammaanka, Cumar Xaashi, Danjirhii hore ee Addis Ababa, Cabdikarim Faarax iyo mas'uuliyiin fara badan.

Waxay ahayd qarax lala beegsaday Hotel ay degganaayeen. Shabaab ayaa berigaas ka dambeysay weerarka.

Xiriirrada macnaha ka dhexeeya

bbc.co.uk navigation

BBC © 2012 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.