Wafdi ku sugan Beled Weyne

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 23 Janaayo, 2012, 16:51 GMT 19:51 SGA
Wasiirka Qorsheynta, Cabdullaahi Goodax Barre Fiidow

Wasiirka Qorsheynta, Cabdullaahi Goodax Barre

Magaalada beled Weyne ayaa waxaa ku sugan wafdi ka socda dowladda ku meel gaarka ah, oo ka kooban Wasiirro iyo xildhibaanno intooda badan reer Beled Weyne ah.

Waxaa hoggaaminaya Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Cabdullaahi Goodax Barre.

Aad ayaa magaalada loogu soo dhoweeyay waxayna wadahadal la yeesheen Duqeyda degaanka, maamulka Dooxada Shabeelle iyo Saraakiil Ethiopian ah.

Wafdiga dowladdu waxyaabaha ay damacsan yihiin waxaa ka mid ah in maamul ay u sameeyaan magaalada, iyaga oo u arka in mar haddii Shabaab laga saaray ay tahay in maamul cusub la sameeyo.

Laakiin waxay u muuqataa in ay carqalad kala kulmeen maamulka dooxada Shabeelle.

Madaxa maamulka, Cabdifitaax Xasan Afrax, ayaa ku tilmaamay in isaga iyo ciidankiisuba ay ka mid yihiin, hoosna yimaadaan, dowladda ku meel gaarka ah.

Sidaa darteed aanay dhici karin in isaga maamulkiisa hubka laga dhigo, oo lagu wareejiyo koox kale.

Wuxuu ku doodayaa in uu diyaar u yahay in maamulkiisa wixii laga sixi karo laga saxo, laakiin ma oggola in la kala diro.

Cabdifitaax wuxuu ku doodayaa in ay wadahadleen isaga iyo Madaxweynuhu, iskuna af garteen tallaabooyinka ay tahay in hadda la qaado.

Ethiopian
Lama oga Ethiopia saraakiisheedu sida ay u arkaan is faham la'aanta ka soo dhex bidhaameysa wafdiga dowladda iyo Madaxda Shabeelle ee ay Ethiopian-ka is garabsanayaan.

Ethiopian-ka dabcan dantooda ugu horreysaa waa sidii Shabaab loola dagaallami lahaa.

Sidaa darteed waxay u muuqan karaan in ay u baahan yihiin ciidanka Dooxada Shabeelle.

Laakiin dhanka kale, Ethiopian-ku waxay dalka ku joogaan oggolaashada Dowladda.

Sidaa darteed ma doonayaan in ay isku dhacaan iyaga iyo dowladdu.

bbc.co.uk navigation

BBC © 2012 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.