Kenyatta iyo Ruto oo la maxkamadeyn doono

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 23 Janaayo, 2012, 11:24 GMT 14:24 SGA
William Ruto

William Ruto

Uhuru Kenyatta iyo William Ruto, ayaa ka mid ah siyaasiyiinta Kenya ee la soo taagayo Maxkamadda Hague.

Waxay ku eedeysan yihiin in ay ka dambeeyeen rabshadihii ay kun ka badani ku dhinteen Kenya sannadkii 2007.

Rabshaduhu waxay daba joogeen doorasho natiijadeeda lagu murmay oo ay ku tartamayeen Madaxweyne Kibaki iyo Ra'iisal Wasaare Odinga.

Kenyatta iyo Ruto labaduba waxay damac ka qabeen in ay u tartamaan xilka Madaxweynaha sannadkan aakhirkiisa marka Kenya ay doorashadu ka dhacdo.

bbc.co.uk navigation

BBC © 2012 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.