Human Rights Watch oo Itoobiya eedeysay

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 17 Janaayo, 2012, 16:02 GMT 19:02 SGA

Media Player

Ururka xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa dowladda Itoobiya ku eedeeyay inay dad shacab ah dhulkooda khasab uga rareyso.

Maqalmp3

Waxaad u baahan tahay Flash player sax ah si aad u daarto Maqal ama Muuqaal.

Qalab kale ku ciyaar

Kooxda xuquuqda bini'aadanka ee Human Rights Watch ayaa ku eedeysay dowladda Itoobiya inay tobanaan kun oo qof ay guryahoodii ka qaadayso si ay dhulka uga iibiso maalgashato ajnabi ah.

Kooxda xuquuqda bini'aadanka ayaa sheegtay in ku dhawaad laba boqol iyo konton kun oo qof guryahoodii laga qaaday gobolka Gambella ee galbeedka Itoobiya.

Human Rights Watch ayaa sheegtay inay warbixinteeda ay si qarsoodi ah u sameeyeen sababtoo ah Itoobiya ayaa waddanka ka soo cayrisay hay'adda.

Dowladda Itoobiya ayaa beenisay eedeymahan, ayadoo sheegtay in ay warbixinta tahay mid magaca waddanka lagu xumaynayo.

bbc.co.uk navigation

BBC © 2012 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.