bbc.co.uk navigation

Beled Weyne oo Shabab laga saaray

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 31 December, 2011, 10:16 GMT 13:16 SGA
Ciidan Ethiopian ah

Ciidan Ethiopian ah

Beled Weyne ayaa waxaa gacanta ku dhigay ciidanka Ethiopia.

Waxay kaashanayeen ciidan ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Magaalada waxaa laga qabsaday al Shabaab oo ka talineysay in muddo ah.

Ciidanka Ethiopia oo markii hore Shabaab ka saaray magaalada, ayaa la sheegay in ay degeen meel ka baxsan oo ku dhow kontroolka magaalada laga soo galo.

Gudaha magaalada waxaa ku sugan ciidanka Dowladda.

Shabab waxaa hore gacantooda uga baxday caasimadda Muqdisho.

Magaalooyinka waaweyn oo Koofurta iyo bartamaha Soomaaliya, waa magaaladii labaad ee ka baxda gacanta Shabaab.

Lama yaqaan ciidanka Ethiopia in ay u gudbi doonaan Buulo Burte iyo Baydhaba midkood ama labada.

Ciidanka Kenya oo isaguna bishii Oktoobar ku duulay fariisimaha Shabaab ee ku dhow soohdinta Kenya ayaan iyagu ilaa iyo hadda aan gacanta ku dhigin magaalo weyn.

Lama oga in ay Istaraatiijiyadooda dagaal ka mid tahay in ay qabsadaan Kismaayo iyo ama magaalooyinka kale ee waaweyn ee ku dhow.

Afhayeenka dowladda Ethiopia Bereket Simon oo BBC wareysi siiyay ayaa sheegay in ciidankooda ay taageerayaan kuwa dowladda Soomaaliya oo uu sheegay inay ku casuuntay inay soo farageliyaan.

BBC © 2012 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.