
Andre ‘Dede’ Ayew waxa uu u dhashay dalka Ghana
Waxaa ku guuleystay Ciyaaryahanka Kubadda Cagta ee Africa 2011 ee BBC, Andre ‘Dede’ Ayew oo u dhashay waddanka Ghana, una cayaara Olympique de Marseille.
Waxaa la tartamayay cayaartooyga oo isla mar ahaantaana ku jiray liiska ay dhageystayaasha BBC u coddeynayeen cayaaryahanada kala ah Samuel Eto’o (Cameroon and Anzhi Makhachkala), Gervinho (Ivory Coast and Arsenal), Seydou Keita (Mali and Barcelona) iyo Yaya Touré (Ivory Coast and Manchester City).
Dhageystayaasha BBC ayaa waxa ay u codeynayeen muddo saddex toddobaad ah laga soo bilaabo 18 November ee sanadkan 2011.
Natiijada waxaa looga dhawaaqay barnaamijka Sport Today ee BBC.
Markii uu helay abaalmarinta cayaaryahanka BBC ee Afrika ee sanadka 2011, ayaa Ayew, waxa uu u sheegay barnaamijka Sport Today: "Sharaf ayay ii tahay, waana la yaabay inaan helo abaalmarintan qaaliga ah, gaar ahaan anigoo eegaya cayaartoyda waaweyne ee horey ugu guuleystay. Waxaan u mahadcelinayaa dhamaan intii ii codeysay, Ghana gudaheeda, Afrika iyo caalamkaba. Waxaan u shaqeyn doonaa si adag si aan u muujiyo inay sameeyeen dookh wanaagsan".
Ku Simaha Tifaftitaha qeybta Cayaaraha Afrika ee BBC, Andres Ilves oo ka hadlay ayaa yiri "BBC waxa ay dhageysayaasha ugu badan ku leedahay Afrika, marka la eego dunida kale, Sharaf ayayna noo tahay dadaalkeena Afrika. Abaalmarintan sanadlaha ah waxay garowsan tahay muhiimadda cayaartoyga kubadda cagta ee Afrika ee BBC, waxayna calaamad u tahay dadaalkeena aan kala go'an lahayn ee Afrika iyo Cayaarahaba. Inagoo eegeyna jawaabta waxaan helnay 50% dad hor leh oo ka qeybqaadanaya marka la eego sanadkii hore - magaca abaalmarinta ayaa sii kobcaya."
Magacaabidda shanta cayaartooy, waxaa soo soo xulay khubaro kubbadda cagta.
Khubarada waxaa la weydiiyay inay magacaabaan saddex cayaartooy iyaga oo aan xulasho jirin.
Waxaa la weydiiyay inay ku xushaan shuruudaha; xirfad shaqsiyadeed; awood farsamo; wada shaqeyn; sugnaansho; saameynta natiijada; cayaar wanaag:
Liiska Cayaartooydoo hore ee ku guuleeystay tobankii sano ee u danbeeyay.
2010 - Asamoah Gyan (Sunderland & Ghana)
2009 - Didier Drogba (Chelsea & Ivory Coast)
2008 - Mohamed Aboutrika (Al Ahly & Egypt)
2007 - Emmanuel Adebayor (Arsenal & Togo)
2006 - Michael Essien (Chelsea & Ghana)
2005 - Mohamed Barakat (Al Ahly & Egypt)
2004 - Jay Jay Okocha (Bolton & Nigeria)
2003 - Jay Jay Okocha (Bolton & Nigeria)
2002 - El Hadji Diouf (Liverpool & Senegal)
2001 - Sammy Kuffour (Bayern Munich & Ghana)
2000 - Patrick Mboma (Parma & Cameroon)