bbc.co.uk navigation

Merkel oo dooneysa midow dhaqaale

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 2 December, 2011, 11:24 GMT 14:24 SGA

Sarkozy iyo Merkel

Maalin uun ka dib markii Madaxweynaha Faransiiska, Sarkozi, uu sheegay waxa lagu dhaqaaqi doono si loo xalliyo deynta Yurub, ayaa Ra'iisal Wasaaraha Jarmalku, Angela Merkel, waxay sheegtay in dariiqa la xalka loo marayaa uu sannado qaadan doono.

Waxay u sheegtay baarlamaanka Germany in ay billaabatay hawl lagu xasilinayo xaaladda lacagta Euro, ayada oo si adag dusha loola soconayo loona xakameynayo miisaaniyadda iyo amaahda.

Merkel waxay ku gacan seyrtay ra'yiga ah in la abuuro waxa loo yaqaan Eurobond oo ah deymo ay dowladuhu qaadanayaan waxayna ku tilmaantay in aan sidaas xal lagu gaari karin.

Waxaa kale oo ay Merkel sheegtay in loo baahan yahay in dib loogu noqdo waxna looga beddelo heshiiska Midowga Yurub, si aan ururku u kala burburin.

Wararka la xiriira

BBC © 2012 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.