bbc.co.uk navigation

Wasiirro Afrika ah oo dhaliilay EU

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 2 December, 2011, 11:56 GMT 14:56 SGA

Qaar ka mid ah calamada Midowga Yurub

Wasiirada dhaqaalaha ee labada waddan ee ugu horreeya dhaqaalaha Africa ayaa dhaleeceeyay Midowga Yurub inay ku guuldareysteen inay joojiyaan dhibaatada deynta ee heysata dalalka eurozone.

Wareysi uu siiyay BBC ayaa wasiirka dhaqaalaha ee Koonfur Afrika Pravin Gordhan iyo dhiggiisa dalka Nigeria, Ngozi Okonjo-Iweala, ayaa labaduba waxa ay sheegeen in dhibaatada lacagta iyo qiimaha cuntada ee kor u kacay ay khatar ku hayaan koboca dhaqaalaha Afrika.

Mr Gordhan waxa uu sheegay in dhibaatada dhaqaale ee heysata Yurub inay hoos u dhigtay ganacsiga, isla markaana ay abuurtay walaac suuqyada caalamka.

Mrs Okonjo-Iweala ayaa iyana sheegtay in dalalka horumaray inay cashar ka baran karaan dalalka soo koraya sida loo maamulo deynta iyo koboca.

Wararka la xiriira

BBC © 2012 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.