bbc.co.uk navigation

UK 2,000,000 ayaa shaqada joojiyay

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 30 Novermber, 2011, 10:15 GMT 13:15 SGA

Dalka Britain ayaa waxaa ka socda shaqo ka fariisi culus oo shaqaalaha Qaranka ah.

Waa kii ugu cuslaa ee dalkan ka dhaca muddo dheer.

Shaqaale gaaraya laba milyan oo ruux ayaa shaqa joojin sameynaya maanta, ayaga oo ka cabanaya isbeddel lagu sameeyay lacagta la qaato marka shaqada laga fariisto da' awgeed.

Macallimiin, shaqaalaha caafimaadka iyo kuwa socdaalka ayaa ka mid ah shaqaalaha maanta hawlaha joojiyay.

Iskuullada badankood maanta waa la xiray.

Isbitaallada qaarkood waxay dib u dhigeen qalliin.

Laakiin ilaa saacaddan, gegooyinka dayaaradaha ee dalka shaqadu si caadi ah ayay uga socotaa.

Urururrada shaqaalaha ayaa sheegay in shaqaalaha la weydiistay in ay krdhiyaan lacagta bil walba mushaarkooda laga jaro oo loogu tala galay marka ay shaqada ka fariistaan, isla markaana la sii fogeeyay da'da ay shaqada uga fariisan karaan si lacagtaas ay u qaataan.

Dowladdu waxay sheegeysaa in lacagta la siinayo shaqaalaha Qaranku ay ahaan doonto mid ka badan midda shaqaalaha sharikada gaarka loo leeyahay.

BBC © 2012 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.