bbc.co.uk navigation

Safaaradda UK ee Tehran oo la soo daad gureeyay

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 30 Novermber, 2011, 10:31 GMT 13:31 SGA

Britain ayaa ka soo daad gureysay Iran qaar ka mid ah shaqaalihii safaaradda Britain ee magaalada Tehran.

Tallaabadani waxay ka dambeysay markii dad bannaanbaxayaal ahi ay u dheceen laba dhismo oo ay leedahay safaaradda Britain.

Xafiisyo laa jejebiyay intii bannaanbuxu socday.

Waxay dadkaasi ka careysnaayeen Britain oo cunaqabetyn ku soo trogtay Iran ayada oo ku eedeyneysa in ay sameysaneyso hub nukliyeer ah.

Ra'iisal Wasaaraha Britain wuxuu sheegay in Iran ay weerarka safaaradda kala kulmi doonto jawaab culus.

Norway ayaa hadda xirtay safaaraddii ay ku lahayd Tehran, laakiin shaqaalihii safaaradda kama soo qaadin Iran.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, si kulul ayuu u cambaareeyay weerarka safaaradda Britain ee magaalada Tehran.

BBC © 2012 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.