bbc.co.uk navigation

Weerar Muqdisho oo 4 ku dhimatay

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 30 Novermber, 2011, 10:03 GMT 13:03 SGA

Qof soo qaaday weerar is qarxin ah ayaa maanta magaalada Muqdisho ku dilay afar askari oo ciidanka dowladda ah.

Qaar kale oo badanna wuu dhaawacay.

Abaanduulaha ciidanka Soomaaliya, General Abdikarim Yusuf, ayaa la sheegay in uu inyar uga baxsaday weerarka.

Waxaa uu ka dib weriyayaasha u sheegay in qofka weerarka soo qaaday uu ka faa'iideystay mar ay askarta ilaalada ahi is beddalayeen.

BBC © 2012 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.