bbc.co.uk navigation

Gbagbo oo lagu haysto dil iyo kufsi

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 30 Novermber, 2011, 09:56 GMT 12:56 SGA

Maxkamadda caalamiga ah ee dembiyada oo ku taal magaalada Hague, ayaa waxay sheegtay in Madaxweynihii hore ee Ivory Coast, Leurent Gbagbo, lagu soo oogay afar dembi oo ka dhan ah aadminnimada, kuwaas oo ay ka mid yihiin dil iyo kufsi.

Mr. Gbagbo, waxaa uu hadda ku xiran yahay dalka netherlands, ka dib markii shalay lagu qabtay dalka Ivory Coast.

Dacwad Oogaha Maxakamadda ICC, Luis Moreno-Ocampo, ayaa wuxuu sheegay in la hayo markhaati muujinaya in rabshadihii gacanta la isula tegey ee ka dhacay Ivory Coast sannadkii hore markii doorashada looga adkaaday Leurent Gbagbo, ay ahaayeen kuwo ay ula kac u abaabuleen taageerayaashiisu.

Saddex kun oo ruux ayaa ku dhintay dhowr bilood oo rabshado ay socdeen.

Rabshadahaasi waxay istaageen markii madaxweynihii doorashada ku guuleystay ciidankiisu ay awoodda la wareegeen.

Mr. Moreno-Ocambo wuxuu sheegay in labada dhinacba ay dembiyo galeen, isla markaana ay u dhowdahay in la weydiisan doono in dad kale la soo xiro.

BBC © 2012 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.