bbc.co.uk navigation

Safaaradda UK ee Tehran oo la weeraray

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 29 Novermber, 2011, 14:33 GMT 17:33 SGA

Arday careysan ayaa xoog ku galay dhismaha Safaaradda Britain ay ku leedahay caasimadda Iran ee Tehran.

Arrintani waxay dhacday iyada oo ardaydu ay ka bannaan baxayaan cunaqabateynta saaran Iran.

Telefishinka ayaa laga arkay calanka Britain oo la jeexjeexayo iyo dokumenti dariishadaha laga tuurayo.

Booliiska ayaa markii dambe ka fogeeyey albaabka safaaradda, aakhirkiina kala ceyriyay bannaabaxayaashii.

Inta aanay safaaradda tegin, ardaydu waxay ku dhawaaqayeen "Ingiriisku ha dhinto", booliiskana wey isku dheceen.

Dhacdadani waxay ku soo beegantay laba maalmood ka dib, markii Golaha u taliya Iran iyo Baarlamaankuba ay go'aan ku gaareen in la dhimo xiriirka ay Iran la leedahay UK, oo cunaqabetyn hor leh ku soo rogtay Iran, arrinta lagu murunsan yahay ee hubka Nukliyeerka Iran awgeed.

BBC © 2012 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.