Codadka doorashada Gambia oo la tirinayo

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 25 Novermber, 2011, 13:22 GMT 16:22 SGA

Madaxweyne Yaxye Jammeh ayaa waxa uu afganbi ku qabsaday dalka 17 sano ka hor

Boqolkiiba labaatan codadka la tiriyay doorashooyinka Madaxtinimada ee Gambia, ayaa waxa ay u muuqataa inuu ku guuleysan doono Madaxweynaha talada haya, Yahya Jammeh.

Korjoogayaasha ka socda galebeedka Afrika, ayaa sheegay in aanay noqon doonin doorashooyin xor ah oo cadaalada ah.

Madaxweyne Yaxe Jammeh oo awoodda ku qabsaday afganbi muddo haatan laga joogo 17 sano, ayaa waxa uu rajeynayaa inuu ku guuleysti shan sano oo kale.

Ururu goboleedka ECOWAS ayaa waxa aya sheegeen in aanay wax kormeerayaal ah u diri doonin sababtuna waxa ay tahay heerka saxaafadda oo ah mid aan la maamuli karin, iyo hanjabaadda mucaaradka loo geysanayo.

Midowga Yurub iyo Midowga Afrika labadaba waxay direen korjoogayaal.

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka ee dalka -- Alhaji Mustapha Carayol -- ayaa edeeymahaasi beeniyay.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.