bbc.co.uk navigation

Isku dhacyo ka dhacay Qaahira

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 20 Novermber, 2011, 18:44 GMT 21:44 SGA

Fagaaraha Taxriir waxa isugu yimid kumanaan dad ah

Ciidamada Ammaanka ee dalka Masar, waxaa ay weerar ku qaadeen, Fagaaraha 'Taxriirr' oo ku yaala Bartamaha magaalada Qaahira, waxaanay halkaas xoog kaga saareen, dad Banaan-Bax dhigayey oo halkaas ku soo ururay.

Boqolaal Askar iyo Booliis isugu jira oo ay taageerayaan, Baaburada Gaashaaman, ayaa dadkaas waxaa ay ku fureen, Qiiqa dadka kaga ilmaysiiya

Sawiro laga soo saaray, Idaacadda telefihinka ayaa waxaa ay muujiyeen, muuqaal Argagax leh, iyadoo dadka lagu furayo, Qiiqa ilmada keena iyo Booliis badan oo dadkii Mudaa-haraadka dhigayey, Baacsanayey oo ka eryeyey, Fagaaraha Taxriir.

Waxaa la-maq layey, Qaraxyo, Buuq iyo qaylo.

BBC © 2012 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.