bbc.co.uk navigation

Silvio Berlusconi oo iscasilay

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 13 Novermber, 2011, 22:07 GMT 01:07 SGA
Silvio Berlusconi

Ra'iisul wasaaraha Talyaaniga ayaa istiqaaladiisa u gudbiyay madaxayaha dalka.

Intii uu ku sii socday aqalka madaxtooyada ee magaalada Rome oo in yar u jirta ayaa koox dad ah ay ku buuqeen oo magacyo ugu yeerayay.

Ninka marahaa guddoomiye midowga europe ka tirsan Mario Monti ayaa la filayaa in uu hogaamiyo dowlad ku meelgaar ah oo howsha ay qabanayso ay tahay in ay fuliso tallaabooyinka dhaqaale badbaadinta ah ee baarlamaanku uu ansixiyay maalintii Sabtida.

Baarlamaanka Italy

Waxaa loogu talogalay tallaabooyinka in lagu dhimo dhibaatada daymaha.

Hase yeeshee, waxaa si xoog leh uu isbahaysiga xilka ka sii degaya uga soo horjeedaa in dowlad aan la dooran ay hogaamiso dalka.

Wararka la xiriira

BBC © 2012 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.