
Malaayiin qaxooti ayaa ka qaxay Soomaaliya intuu socday dagaalka
Hayadda Qaramada Midoobay ee qaxootiga UNHCR ayaa sheegtay in rayadka ku dhex nool dagaalka ka socda Soomaaliya in la la siiyo magdhow ama lacag dhibka ay ku dhexjiraan awgeed.
UNHCR ayaa ku sheegtay taladan warbixin ay soo saartay oo ka hadlaysa saamaynta dagaalka ee dadka Soomaalida.
Bishii hore Kenya ayaa dirtay askar ka gudubtay xuduuda Soomaaliya si ula dagaalanto mintidiinta AlShabaab ka dib markii dad ajnabi ah laga afduubay dalkeeda.